Warsame oo gurmadka abaaraha u tagay Canada

Cabdiraxaan wuxuu labo cisho ka hor magaalada Minneapolis kaga qeyb galay munaasabad deeq loogu aruurinayay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu wax-yeelleeyeen, taasoo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda HARO iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha Minnesota.

Warar Keydmedia Online
Warsame oo gurmadka abaaraha u tagay Canada

OTTAWA, Canada - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo todobaadyadii la soo dhaafay dadaal xooggan galiyay sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa xaddiga abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ergeyga oo dalka Canada ku tegey booqasho hawladeed maalmo qaadan doonta ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay kulamo la qaadanaya madax ka tirsan Dawladda Canada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, u jeedka socdaalkiisa ayaana ah sidii loo xoojin lahaa u qareemidda Gurmadka Abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kala hadli doono madaxda Dawladda Canada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas, sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen, gacanna looga siin lahaa Dawladda Soomaaliya la dagallaanka Kooxda Al-Shabaab.

Ergeyga ayaa soo gabagabeeyay kulamo-doceed iyo shirar is daba-joog ah oo uu maalmihii la soo dhaafay ka waday dalka Maraykanka, gaar ahaan New York halkaasoo uu ka socday shirka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, isagoo durba billaabay safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda.

Cabdiraxaan wuxuu labo cisho ka hor magaalada Minneapolis kaga qeyb galay munaasabad deeq loogu aruurinayay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu wax-yeelleeyeen, taasoo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda HARO iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha Minnesota isla-markaana ay si weyn uga soo qeyb galeen jaaliyadda Soomaaliyeed.

Qaylo-dhaanta ergeyga ayaa hore u suura-galisay in kaalmada bani'aadinnmo ay kor uga kacdo 18% gaartana ku dhawaad 80%, halka maalgelinta ka hortagga macluushana la kordhiyo oo la gaarsiiyey 86%, taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in loo istaago sidii deeq-bixiyayaasha loogu soo jeedin lahaa mushkiladda abaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.