CCW oo UAE ku bogaadiyay kaalintooda gurmadka

Ergayga gaarka ah ayaa xusay in Imaaraadka ay diyaarado ku soo daabuleen gargaar, isla-markaana ay soo direen markab siday in ka badan 1,000 tan oo siday cunto iyo gaab kale oo gargaar, si loo daboolo baahida ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo abaaruhu saameeyeen.

Warar Keydmedia Online
CCW oo UAE ku bogaadiyay kaalintooda gurmadka

Qaahira - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmadka abaaraha, Abdiraxmaan Cabdishakur, ayaa bogaadiyay taageerada Imaaraadka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Zayed ee lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir wuxuu bogaadiyay joogteynta deeqda uu Imaaraadku siiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka, oo ay ku jiraan kuwa ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, tan iyo markii ay bilowdeen dhibaatooyinka.

Warsame oo u warramayay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegay in Imaaraadku yahay dal muhiim u ah taageerada lagama maarmaanka u ah Soomaaliya, isagoo xusay in Abu Dhabi ahayd halkii ugu horreeyay ee baaqii gurmadka ka jawaabtay.

“Imaaraadku waa hormuudka taageerada lagama maarmaanka u ah dalka, maadaama uu ahaa waddankii ugu horreeyay ee ka jawaaba baaqii ay dirtay dowladda Soomaaliya ee ahaa in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka abaaruhu saameeyeen”. Ayuu u sheegay WAM.

Ergayga gaarka ah ayaa xusay in Imaaraadka ay diyaarado ku soo daabuleen gargaar, isla-markaana ay soo direen markab siday in ka badan 1,000 tan oo siday cunto iyo gaab kale oo gargaar, si loo daboolo baahida ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo abaaruhu saameeyeen.

Wareysigaan ayaa ku soo aaday xilli uu Ergeygu shalay Qaahira uga qeyb galay shir looga hadlayay gurmadka abaaraha, badqabka cuntada Soomaaliya iyo u adkeysashada isbedelka Cimilada kaasoo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo QM.

Ergeyga ayaa shirkaas ka sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya, deeqihii ka yimid dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo ka howlgalladii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor-tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.

Shirkan waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socday hay’adaha gargaarka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee QM, waxaana u jeeddadu ahayd sidii la isugu dubbaridi lahaa qorsheyaasha wax looga qabanayo xaaladda cunnada ee ka sii daraysa ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.