Wasaaradda A/Gudaha oo beenisay magacaabista Agaasimaha guud

Wasaaradda rrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaantay magacaabista la isla dhex-marayo ee ku aaddan Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Wasaaradda A/Gudaha oo beenisay magacaabista Agaasimaha guud

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku beenisay faafin kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha taasoo lagu sheegay in la magacaabay Agaasimaha Guud ee wasaaradda.

" Ma Jiro War Rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan Wasaaradda oo la xiriira magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda" ayaa lagu yiri warka oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee wasaaraddu ku leedahay Facebook -ga.

Waxaa la is dhaafsanayay farriimo loogu hambalyeenayo Rooble Dahir oo ka mid ahaa Saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, fedelka iyo dib-u-heshiisiinta oo sida la sheegay loo magacaaby Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Roble waxaa lagu sheegay in uu ka soo shaqeeyey arrimaha dib-u-heshiisiinta, wuxuuna kaalin muhiim ka qaatay nabadeynta Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Galkayo.

Hayeeshee qoraal uu ku saxiixan yahay Agaasimaha waaxda xiriirka iyo warbaahinta ee Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda Soomaaliya Mohamud Adan Mumin ayaa lagu beeniyay magacaabista Agaasimaha guud ee Wasaaradda

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.