Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay warbixinta Covid19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee kasoo kordhay Caabuqa Covid19.

Warar Keydmedia Online
Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay warbixinta Covid19 ee dalka

MUGDISHO, Soomaaliya - Caabuqaan saf marka ah ayaa malmihii la soo dhaafay si xowli ah u soo laaba kacleeyay Wasaaradda ayaana soo bandhigtay xogtii ugu dambeeyay ee Xaaladdaha soo kordhay.

Warbixinta COVID-19, ee maalinkii shalay 10th February ayay wasaaraddu ku sheegatay in dadkii la baaray Laga Helay 28 qof oo 27 ka mid ah ay joogaan Muqdisho, hal qofna ku sugan yahay HirShabaeelle, labo qof ayaa shalay u geeriyootay cudurkaan, waxaana guud ahaan dalka laga helaya  5,013 qof, kuwaas oo 3,733 ka mid ah bogsadeen halka 144 u geeriyoodeen.

War ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Si aan u yareeyo halista faafidda Xanuunka Covid1-9 Fadlan aan dhamaanteen joogteyno Xirashada Afxirka gaar ahaan Xiliga Kulamada, Inta aad kujirto Gudaha Gaadiidka Dadweynaha, marka aad joogto Suuqyada Iyo Goobaha Kale Ee Dadku Isuga Yimaadaan”.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.