Wasiir: Anaga iyo Kenya yaan dhexdeena lasoo galin


Dowladda Soomaaliya ayaa diblumaasiyiinta ajnabiga ah ka codsatay inay faraha kala baxdo muranka iyo khilaafka kala dhaxeeya Kenya.

Warar Keydmedia Online
Wasiir: Anaga iyo Kenya yaan dhexdeena lasoo galin

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed C/risaaq oo ka hadlayay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid labada dal ka dhaxeeya, oo aan loo baahnayn faragelin dibadda ah.

Wuxuu u sheegay diblumaasiyiinta ajnabiga ah ee kulanka ku sugnaan in dowladda Federaalka uga digayso dalalka shisheeye inay soo dhexgalaan xiisadda diblomaasiyasadeed ee labada dal ee deriska ah.

Wasiir Maxamed C/risaaq oo xilka ku cusub ayaa dhexda ka galay khilaafka uu Farmaajo ku raadinayo ololaha doorashadda inuu kusoo galo, oo shacabka Soomaaliyeed ku marin-habaabiyo inuu yahay kaligiisa wadani.

Farmaajo ayaa dalka ka cayriyay Safiirka Kenya Lucas Tumbo bishii lasoo dhaafay, wuxuuna u yeeray Tarsan, oo Soomaaliya u fadhiya Nairobi, iyadoo go'aankan lagu soo aadiyay xili doorasho.

Kenya ayaa sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya kusoo wargelin safiirkeeda la eryay, islamarkaana eedeymaha loo jeediyay ee ah inay faragelin ku hayso arrimaha Jubbaland ay yihiin kuwa siyaasadaysan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.