Wasiir Bayle iyo Jamaal oo kulmay

Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Jamaal M Hassan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho iyagoo ka wada hadlay Barnaamijka horumarinta Qorshaha Qaranka

Warar Keydmedia Online
Wasiir Bayle iyo Jamaal oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiinta ugu sarreysa labada wasaaradood ee Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ayaa kulan ku yeeshay xafiiska wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Muqdisho.

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadalneen mudnaanta maalgelin ee uu leeyahay Barnaamijka loogu magac daray Horumarinta Qorshaha Qaranka ee 9-aad. (NDP9)

Hay'adaha Bankiga adduunka iyo tan lacagta ee IMF -ta ayaa labadaba waxay dowladda Soomaaliya la saxiixdeen barnaamijyo lagu hormarinayo dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed iyagoo lagu jiro xilligan kala guurka ah, waxaana laga cabsi qabaa in barnaamijyadan oo dhammaantood lasaxiixay sanadkan in uu hakad ku yimaado sababo la xiriira muranka hareeyay doorashada Soomaaliya oo weli aan dhinac u dhicin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.