KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirada xukuumaddii kalsoonida lagala noqday ayaa bilaabay in ay xilal u magacaabaan xubnaha ay xigtada ama asxaabta yihiin, iyagoo ka faa'iideysanaya marxaladda kala guurka ah ee dalku haatan ku suganyahay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay Keymedia Online ogaatay sii-haya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka faa'iideysanaya marxaladda kala guurka ah ee dalka ayaa xilal ka safay rag ay isku jufo iyo asxaab yihiin.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Wasiirka magacaabay sideed diblumaasi, kuwaas oo xogahayaal iyo la taliyaal ka noqonaya xarumaha safaaradaha dowladda Soomaaliya ee dalka dibaddiisa ah.
Ragga uu Wasiirka magacaabay oo la sheegay in ay xigto yihiin ayaa waxaa ka mid ah Suhayr Cabdicasiis Maxamed uu Wasiirka Adeer laxmi ah u yahay, iyadoona Suheyr loo magacaabay Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Canada.
Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeyso in Cabdullaahi Cali Yuusuf oo qaraabo la ah Wasiirka, madaxna ka ahaa xaafiiskiisa loo magacaabay xoghaya koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Geneva-Switzerland.
Digreetada lagu magacaabay xubnahan ayaa laga dhigay 23-ka bishii hore ee July halka xukuumada kalsoonida lagala noqday isla bishii hore 25-keeda, waxa ayna ka bixitaanka kheyre Xukuumada Wasiirada qaar u noqotay fursad weyn.
Halkaan Hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.