Wasiir cusub oo la magacaabay

Dhawaan ayey ahayd markii uu iska diiday qabashada wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada wasiir hore Maxamed Cabdillaahi Oomaar, maanta ayaa wasaaraddaasi loo soo magacaabay wasiir kii afaraad.

Warar Keydmedia Online
Wasiir cusub oo la magacaabay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa loo soo magacaabay wasiirkii saddexaad muddadii afarta sane ee uu Farmaajo joogay, iyadoo wasaaraddani ay noqoneyso wasaaradda kaliya ee afar wasiir ay isku baddaleen intii lagu guda jiray muddo xileedka afarta sano ee Farmaajo.

Horay waxaa wasaaradda wasiir uga soo noqday Saalax Axmed Jaamac oo muddo laba sano ah maamulayay xafiiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, 16 April 2019 waxaa baddalay wasiirkii labaad Xildhibaan Sadik Warfaa oo noqday wasiirkii labaad ee xafiiska ku wareegay laba sano gudahood intii uu Farmaajo joogay.

Duraan Axmed Faarax ayaa baddalay wasiir Sadik Warfaa oo isna xafiiska joogay muddo sanad kabadan, Oktoobay 2020 -kii ayuu si rasmi ah ugu wareegay xilka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale muddo yar kaddib waxaa isku shaandheyn laba wasaaradood oo kaliya lagu sameeyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, iyadoo wasiirkii wasaaradda loo wareejiyay tan gaadiidka iyo duulista hawada.

Maanta ayaa wasiirkii afaraad loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliyya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.