KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka ayaa maalmo kahor wadahadal la yeeshay Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, taasoo ku baaqey Farmaajo iyo Rooble inay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya, islamarkaana doorashadda si dhaqso ah loo qabto.
NEW YORK, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa New York kula kulmay Safiirka France u qaabilsan UN-ka, Nicolas De Reviere kaasoo ay kawada hadleen xaaladda amni iyo doorashadda dalka.
“Waxaan Wasiir Maxamed C/risaaq kawada hadalnay muhiimadda ay leedahay qabsoomida in doorashadda Soomaaliya waqtigeeda ku dhacdo iyo dib u habeynta Ciidanka qaranka,” ayuu yiri safiirka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaadey ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xaqriiqay inay Soomaaliya u baahan tahay in loo diyaariyo Ciidan awood u leh inay mas’uuliyadda amniga dalkooda la wareegaan.
Wasiirka ayaa maalmo kahor wadahadal la yeeshay Sarkaal sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, taasoo ku baaqey Farmaajo iyo Rooble inay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya, islamarkaana doorashadda si dhaqso ah loo qabto.
Farmaajo ma ahan mid dhegihiisa u furan baaqyada ku saabsan qabashadda doorashadda, horey ayuu u diiday inuu dalka yeesho dowlad cusub markii tii uu hogaaminayay watigeeda dhamaadey 9 bilood kahor.
Soomaaliya ayaa mudo ka badan 14 sano k tiirsan AMISOM, oo dhanka amaanka mas’uul uga ah, iyadoo Beesha caalamka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo Askarta ajnabiga ah, halka uu dib ugu dhisi lahaa lacagta faraha badan Ciidanka xoogga dalka.
Qorsho xumo amni ayaa ka jirta Soomaaliya, waxaa kala qeybsan Ciidanka oo waayay cid isku dhaf ku sameya kuwa dowladda iyo Maamulada, sidoo kalena u jiheysa difaaca qaranka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Amniga waa meesha dhaqaalaha ugu badan ku baxo Soomaaliya, wuxuuna noqday mashruuc la dagaalanka Al-Shabaab. Madaxda dalka oo aan daacad ka ahayn dagaal ayaa sababay in laga adkaan waayay Kooxdan argagaxisadda.
Musuq-maasuqa meeshii ugu sareysay ayuu gaarey afartii sano ee Farmaajo, taasoo keentay in Deeq-bixiyaasha ay ka aamin baxaan maamulkiisa, islamarkaana ay joojiyeen dhaqaalihii lau kabi jiray miisaanida dowladda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.