Wasiiradda Rooble oo ka hadlay dilka Saraakiisha

Galmudug ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan ku saabsan cida ka dambeysay weerarka, iyadoo Maanta la helay labo Sarkaal oo la waayay shalay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirrada xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil wadareedka Saraakiisha Militeri shalay loogu geystay duleedka degaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Wasiiradda ayaa tacsi ugu diray ehellada lixdii sarkaal ee la dilay, waxayna falkaasi ku tilmaameen mid laga xumaado, iyadoo uu socdo baaritaanno xoog leh oo lagu soo qabanayo kooxihii falkaas geystay, si caddaaladda loo horkeeno.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.