Wasiirka Arimaha Gudaha” Naxariis looma samaynayo kuwa dhibataynaya Shacabka”

Muqdisho (KON) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa digniin adag u diray kooxaha kulugta leh dhibaateynta dadka Shacabka.
Warar Keydmedia Online

 

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan u dul qaadanayn kooxaha dhibaatada ku haaya shacabka, iyo waliba askarta dhibaataynaysa dadkooda

”Xukuumada si naxariis daro ah ayay ula dhaqmi doontaa kooxaha wada dhibaatooyinka, naxariisna uma smaynayo, waxaana ay la kulmaayaan ciqaabta ugu xoogan”sidaasi waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha.

Wuxuu sheegay in madaxda Soomaaliya ay horay kaga digeen Kufsiga loo geesto haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in xukuumadu ay diyaar u tahay in aysan ka harin cid walba oo lagu helo dhibaataynta shacabka

Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay digniin ugu jeediyay dadka kufsiga ugeysanaya,tana waxaa ay noqoneysaa fariin kale,balse kufsiga ayaa waxaa qeyb ka ah dad ku libisan dareeska ciidanka.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.