KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ee qaraxyada looga hortagi karo ay tahay wadashaqeyn dhexmarta laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirkii hore ee difaaca ayaa sheegay in dhacdooyinka ka dhacay magaalada ee dhanka ammaanka qalqalka geliyay guddiga difaaca ee Baarlamaanka ay baaritaano ku hayaan sidoo kalena la weydiinayo cida ay khuseyso arintaasi.
Xuseen Carab Ciise ayaa tilmaamay in wasiirada gaashaandhiga iyo arimaha gudaha ay horimaanayaan Baarlamaanka Soomaaliya lana weydiinayo su’aalo la xiriira dhanka ammaanka iyo ciidanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xisaabtan la daba taagan xukuumadda Soomaaliya iyadoo shalay Baarlamaanka uu hortagay Raysal wasaaraha Soomaaliya su’aalana halkaasi lagu weydiiyay.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.