Wasiiro iyo Xildhibaanno oo qaatay Hantida Qaranka

Hanti dhowrka qaranka ayaa ku amray Wasiiro iyo Xildhibaanno caan ah inay 10 maalmood gudahooda kusoo celiyaan Gaadiid dowladda leedahay oo ay si sharci darro ah ku qaateen.

Warar Keydmedia Online
Wasiiro iyo Xildhibaanno oo qaatay Hantida Qaranka

MUQDISHO, Soomaaliya - Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa ku amray 14 Mas'uul oo isagu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno inay mudo 10 maalmood kusoo celiyaan gaadiid ay dowladda leedahay oo si sharci darro ah ku haystaan.

Xubnaha hantida qaranka si shaqsiga u isticmaalaya waxaa kamid ah Wasiirro dhawaan xilalka laga qaadey, oo uu ku jiro Axmed Ciise Cawad, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil.

Waxay qaateen gaadiid nooca aan xabadda karin [Bullet-proof], oo Hanti Dhowrka sheegay in shaqsiyaadka ay ku tagri-falayaan, islamarkaana ay isticmaalayaan iyagoo aan loo ogolayn.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.