KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Cali Cabdi Cali Garuun oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowladda ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in Ciidamadu ay wali kaabiga ku hayaan magaalada Buurhakaba, isagoo xusay in 24-ka saac ee soo socda ay la wareegi doonaan gacan ku heynta.
Maleeshiyaadka Shabaab iyaguna dhankooda waxay wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo diyaar garow kii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay uga hor tagaan duulaanka ku soo wajahan, lamana oga sida ay uga hor tagi doonaan.
Xaalada Magaalada Buurhakaba.
Xaalada guud ee magaalada Buurhakaba waa mid cabsi dagaal ay ka jirto, waxaana dadka ku nool halkaasi ay ka cabsi qabaan inay waxyeello ka soo gaarto dagaal ay suura gal tahay inuu dhexmaro dhinacyada dagaalamay.
Ganacsigii iyo waxbarashadii magaalada wali waa gabaabsi oo sidii la rabay ma ahan waxaana saameyn ku yeeshay colaada ku soo wajahan magaalada.
Wixii ku soo kordha xaalada Buurhakab kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.