KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha ka hadlayay Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa sheegay in dowladda ay qorsheynayso sidii nidaamkii waxbarashada lacag la’aanta ahaa ee uu dalku lahaan jiray losoo celin karo.
Xasan Sheekh ayaa kusoo celiyay hadalkii Wasiirada Horumarinta Arimaha Bulshada Dr. Maryan Qaasim oo ahaa in Dowladdu mushaar siinayso Kun macallin oo ay diyaarisay, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha ay ku horumarinayso Waxbarashada Dalka.
Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya
Dr. Maryan Qaasim Axmed oo ka hadashay Shirweynihii looga hadlayay dib-u-habaynta waxbarashada ayaa Bishii June sheegtay in muuhiim gaar ah la siin doono dib u habeynta Waxbarashada, sidoo kale guud ahaan Waxbarashada dalka ay noqon doonto mid isla jaan qaada.
Keydmedia Online ayaa ogaatay in dhawaan Arday farabdan la siin doono Fursad ay wax ku bartaan, sidoo kale Dowladda ayaa Wadahadal kula jirto Wadamo Shisheeye si Deeq Waxbarasho loo siiyo Ardayda ugu firfircoon Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare.
Soomaaliya haatan markii loo eego qaar ka mid ah Wadamada ku yaala Geeska Afrika waxay si aad ah kaga hormarsantahay xaga Waxbarashada. Waxaa marwalba sii kordhaya goobaha waxbarashada ee Soomaaliya Hadii ay ahaan lahaayeen dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare iyo waliba Jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Wasaarada Waxbarashada ayaa dhawaan soo bandhigtay Manhaj Cusub, waxaana laga yaabaa in Sanadkaan la mideyo Manhajyada Waxbarashada ee dalka.
Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii Rajiimkii Siyaad Barre waxaa laga hirgeliyay Dugsiyo Waxbarasho oo gaar loo leeyahay, kuwaas oo ku shaqeeya Manhajyo kala duwan.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu kalsoon Shaqada ay wado Wasiirada Horumarinta Arimaha Bulshada Dr. Maryan Qaasim.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho | Editorial Desk
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.