Webiga Shabeelle oo fatahaad sameeyay

Tan iyo bur-burkii kadib kumanaan ka tirsan Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa Dalagoodii ku waayay fataahada Webiga Shabeelle oo aysan jirin cid biyo xireen u sameysay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay deegaanno hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka mid yihiin Mareerey, Farbarako, Damalley, Kordheere iyo Yaaqlow,

Biyaha fatahaadda ayaa ku baaba'ay Dalag ku yaallay beeraha deegaannada, waxaana cabsi laga qabaa in deegaanno iyo Degmooyin horleh ku fataho Webiga.

Wixii kusoo kordha kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.