Weerar ka dhacyay magaalo Al-Shabaab go’doomisay

Magaaladda waxay gacanta dowladda soo gashay 2014 xiligii Xasan Sheekh Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya, waxaana ku sugan Ciidanka ATMIS.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacyay magaalo Al-Shabaab go’doomisay

QORYOOLEY, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaadey degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda iyo ATMIS.

Dadka degaanka oo la hadlay KON ayaa sheegay inay Al-Shabaab soo gashay qeybo kamid ah degmada, balse dib loo riixay kadib markii Ciidanka ATMIS ay madaafiic kusoo garaaceen.

Waxaa jira khasaarooyin kala duwan, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira, balse illaa hadda lama xaqiijin tirada inta ay la egtahay. Dadka degaanka waxay soo wariyeen dagaal culus iyo duqeymo.

Qoryooley, oo 120-KM dhanka waqooyiga Galbeed uga beegan Muqdisho ayaa waxay ku jirtaa go'doon ay saartay Al-Shabaab, oo ku suan Tuulooyinka hoos yimaada iyo jidadka soo gala degmada.

Waxay magaaladda gacanta dowladda soo gashay 2014 xiligaas oo Xasan Sheekh Madaxweyne ka ahaa dalka. Howlgal militeri oo dowladdii waqtigaas sameysay ayaa lagula wareegay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.