Weerar lagu qaadey Xalane

Kooxda hubeysan ayaa kasoo gashay Xerada Xalane dhinaca Mariina Gate, oo ku dhaw Iskuul Bulusiya, waxayna barta Koontarool ay ku dileen dhowr askari.

Warar Keydmedia Online
Weerar lagu qaadey Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar ayaa lagu qaadey saakay xarunta Xalane, oo ku dhegan Garoonka Aadan Cadde, kaasoo ay ilaaliyaan amnigiisa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Goobjooge la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay inay kooxda hubeysan kasoo weerareen xarunta dhinaca bari ee Marine Gate, oo xigta Iskuulka Bulasiya, waxanta halkaasi ku dileen dhowr askari.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dagaalyahanada u suurta-gashay inay gudaha xarunta galaan, kadibna ay difaacyo ka sameystaan, iyagoo la dagaalamaya AMISOM.

Lama oga khasaaraha, mana jiro war kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, oo ku saabsan weerarka, oo kusoo beegmaya xili habacsanaan amni ay ka jirto Caasimadda.

Bishii December 2014 ayay Al-Shabaab gudaha u gashay xarunta Xalane, waxayna weerarkaaso oo labo maalin socday ay ku dishay saddex askari oo AMISOM katirsanaa iyo labo qof oo rayid ah.

Xerada waxaa degan Safaaradaha Reer Galbeedka, hay'adaha UN-ka iyo AMISOM oo u ah xarunta taliska Ciidamada Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab tan iyo 2007.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.