Weerar qarax ku billowday oo lagu qaaday hotel u dhaw Villa Somalia

Waxaa la maqlay Qarax weyn oo xigtay rasaas xooggan, taasoo ay ridayeen Ciidanka ilaaladda hotel-ka, oo ku yaalla nawaaxiga Godka Jilicow.

Warar Keydmedia Online
Weerar qarax ku billowday oo lagu qaaday hotel u dhaw Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Salaaddii Cishaha kadib, qarax xoog leh ayaa laga maqlay Muqdisho, kaasoo ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia.

Waxaa xigtay rasaas, la sheegay inay ridayeen tag hubeysan, oo qaraxa kadib gudaha u galay hotel Villa Rosa lagu magacaabo, oo ahaa bartilmaameedka weerarka Caawa.

Goobjooge iyo ilo amni oo KON la hadlay ayaa sheegay in qaraxyadda ay ahaayeen kuwa ay fuliyeen rag isasoo miidaamiyay, oo albaabka isku qarxiyay, si ay ugu furaan jidka dableyda.

Gudaha ayay u gashay dableyda, waxaana ay billaabeen toogasho, sida la sheegay, iyadoo illaa hadda la la ogeyn khasaaraha, waxaana socda howlgal samatabixin ah.

Wasiirro dhowr ah, Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kale ayaa la sheegay inay ku jireen hotel-ka, iyadoo Wasiiru dowlaha Bey'adda Adam Aw Xirsi uu sheegay inuu ka badbaadey.

Wasiirka amniga Doodishe ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaarey, inkastoo warkan wali aan caddeyn. Mukhtaar Roobow ayaa isna la sheegay inuu goobta joogey.

Derbiyada ayay Wasiiradda ka boodeen, waxaana muuqata in wali weerarka uu socdo, oo dagaalyahano ku jiraan. Goobta waxay ku dhawdahay Godka Jilicow, oo NISA maamusho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.