Weeraro ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Labada weerar ayaa ka kala dhacay Lambar 60 iyo Bariire, oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo dagaal kula jira Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay Lambar-60 iyo Bariire oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Koonfurta Soomaaliya xalay iyo Maanta.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay madaafiic ku garaacday saldhiga AMISOM ee Lambar-60, waxayna guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay Bariire. DF dhankeeda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan weerarada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.