KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Weerarka hore ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose iyo degmada Afmadow ee gobbolkaasi, waxaana halkaasi lagu weeraray Ciidamo Kenyaan ah oo ka soo baxay Kismaayo kuna sii jeeday Afmadow.
Maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Shabaab ayaa jidka u galay Ciidamada Kenya waxay hal nar huwiyeen rasaas ka dhacda qoryaha fud fudud iyo kuwa cul culus, halkaasna waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare kala duwan.
Wararku waxay sidoo kale soo sheegayaan in Ciidamadii Kenyaanka ahaa iyo kuwii Soomaalida ee la weeray ay sii wateen weerarkoodii kadib markii ay iska caabiyeen Maleeshiyaadkii soo weeraray.
Dhanka kale Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya oo ka yimid magaalada Marka kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa iyaguna jidka waxaa u galay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab halkaasna waxaa ka dhacay dagaal saacado kooban socday.
Weerarkaan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Buufoow oo ka tirsan gobbolka Shabeellaha Hoose, halkaasna khasaare kala duwan ayaa dhinacyada dagaalamay ku dhexmaray.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.