Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay magaalada Cadaado

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Saldhigga degmada Cadaado ayaa dilay wiil dhallinyaro ahaa oo kamida ciyaartoydii galabtay ku ciyaaraysay garoonka weyn ee magaalada Cadaado

Warar Keydmedia Online
Wiil dhallinyaro ah oo lagu dilay magaalada Cadaado

CADAADO, Soomaaliya - Askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howl gala saldhigga degmada Cadaado ayaa rasaas uu furay waxaa ku geeriyooday mid kamida ciyaartoydii galabta ku ciyaaraysay garoonka weyn ee magaalada Cadaado.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu falku ka dhacay, waxaa galabta garoonka ku ciyaarayay laba koox oo ka kala socota labada magaalo ee Baladweyne iyo Cadaado, ciyaarta oo ahayd ciyaar saaxiibtinimo oo u dhaxaysay labada naadi ee kala matalayay magaalooyinka Baladweyne iyo Cadaado, markii ay soo dhammaatay ayaa mid kamida askartii sugeysay amniga garoonka ayaa xabad uu ku kala ceerinayay daawadayaashii garoonka waxa uu xabad ku dhuftay Gool hayihii kooxda degmada Cadaado ku cayaareysay.

Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxiin Macallin Cali, waxa uu ku geeriyooday ila goobta ay xabaddu kula dhacday, meydkiisa ayaana loo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Cadaado.

Inta badan goobaha lagu ciyaaro kubadda ee ay ku ciyaarayaan ciyaartoyda kakala socota degaannada kala duwan waxaa ka dhaca fowdo iyo in la is tuuryeeyo, ciidmada goobta ku sugan ee ammaanka loogu talagalayna waxay adeegsadaan rasaas nool-nool, iyagoo ku kala ceerinaya daawadayaasha, waxaana inta badan xabadahaasi ay sababtaa khasaaro soo gaara dadka goobta ku sugan sida galabtay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee magaalada Cadaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.