Wiil Soomaali ah oo si naxariis darro ah loogu dilay Turkiga

Muuqaal laga soo duubey Maydka wiilka oo Baraha Bulshada ku faafay ayaa muujinaya dhaawacyo badan iyo qalliin dheer oo lagu sameeyay, xilli ehelladiisa qaar oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay dileen Booliska Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Wiil Soomaali ah oo si naxariis darro ah loogu dilay Turkiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Dowladda Soomaaliya ku leedahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay ku raad joogto sidii lagu ogaan lahaa xaqiiqada rasmiga ah ee ka danbeysa geerida Maxamed Aadan Cali oo si arxan darro ah dhawaan loogu dilay Magaalada Izmir ee Dalka Turkiga.

Muuqaalka meydka Allaha u naxariistee Maxamed oo ay korkiisa ka muuqdaan dhaawacyo badan oo muujinaya qaliinno iyo in lagala baxay xubnihiisa muhiimka ah ayaa la sheegay inuu ka soo jeeday gobollada waqooyi ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Burco. (Soomaaliland).

Qoraalka ka soo baxay safaaradda Soomaaliya, waxaa lagu sheegay in aysan wali caddeyn sababta keentay geerida, hayeeshee, ehellada marxuumba ayaa Booliska Izmir ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilka Maxamed Aadan, isla-markaana ay jirkiisa kala baxeen xubno muhiim ah.

Booliska Turkiga ayaa dhankood iska fogeeyay eeddaas, waxa ay ku doodeen in Maxamed oo isku dayayay inuu ka baxsado xabsi uu ku jiray ay sababtay geeridiisa iyo dillaaca jirkiisa ka muuqda, yeelkeede, Soomaalida Turkiga ku dhaqan ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka Booliska.

"Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga iyadoo aad uga xun geerida muwaadinkaas Soomaaliyeed, waxa ay ku howlantahay sidii ay u ogaan lahayd xaqiiqada dhabta ah ee la xiriirta geerida Allaha u naxariistee Maxamed Adan Cali" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda.

Waxaa lagu sii daray, "Baaristaan oo ay safaaraddu bilowday marka ay dhamaato natiijada kasoo baxda waxa aan la wadaagi doonaa Dowladda Soomaaliya Iyo ehellada uu ka geeriyooday marxuumka".

Ma aha markii ugu horreysay oo dhallinyaro Soomaali ah sidaan oo kale lagu dilo dalka Turkiga, isla-markaana lagala baxo xubnaha muhiimka ah ee jirkooda, mana jiro wax daba-gal ah oo Arrnkaas dowladda Soomaaliya ku sameyso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.