Wiilka Xasan Daahir: Xubin maka ahaa Al-Shabaab?

Arrinkaan ayaa muujinaya sida xubno ka tirsan qoyska Xasan Daahir ay wali ugu jiraan Kooxda Al-Shabaab, inkastoo ku dhawaad 10 sano ka hor uu isagu kala soo baxsaday naftiisa, kadib markii ay isku dhaceen hoggaamiyihii hore ee Kooxdaas Abuu Subayr.

Warar Keydmedia Online
Wiilka Xasan Daahir: Xubin maka ahaa Al-Shabaab?

JILIB, Soomaaliya – Ibraahim Xasan Daahir oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka mid noqday labo shaqsi oo 1-dii October 2022 lala dilay Madixii Dacwada Kooxda Al-Shabaab Cabdullaahi Nadiir.

Iskastoo ehelkiisu ku doodeen inuu ahaa beerallay ku dhaqnaa degaanka Xaramka ee gobalka Jubbada Dhexe, haddana saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in wiilka Xasan Daahir uu ahaa xubin ka tirsanaa bahda Caafimaadka u qaabilsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Sirdoonku waxa ay sheegeen in Ibraahim uu la socday gaariga Cabdullaahi Nadiir ee duqeynta lala beegsaday, kaasoo ay ku geeriyoodeen labadooda iyo wadihii gaariga, xilli ay marayeen tuulada Xaramka oo u dhexeysa Kuunya-barrow iyo Jilib.

Xoguhu waxa ay intaas ku darayaan in Cabdullaahi Nadiir oo hore u soo noqday madaxa Shuurada iyo Maaliyadda & madaxa warbaahinta Kooxda Al-Shabaab, ay marwo u ahayd haweeney la dhalatay Xasan Daahir Aweys taasoo eeddo u ahayd Ibraahim X. Daahir.

Arrinkaan ayaa muujinaya sida xubno ka tirsan qoyska Xasan Daahir ay wali ugu jiraan Kooxda Al-Shabaab, inkastoo ku dhawaad 10 sano ka hor uu isagu kala soo baxsaday naftiisa, kadib markii ay isku dhaceen hoggaamiyihii hore ee Kooxdaas Abuu Subayr.

Xasan Daahir Aweys oo dad badan rumeysan yihiin inuu qeyb ka yahay mushkiladda amni ee Soomaaliya, maadaama uu ka mid ahaa aas-aasayaashii fikirka xag-jirka ah, ayaa muddo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, wuxuuna ku xiran yahay taliska NISA.  

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.