William Ruto oo loo doortay MW dalka Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaas, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada, iyadoo ay soo baxayeen in ay degaannada qaar ka dhaceen rabshado aanxooganeyn.

Warar Keydmedia Online
William Ruto oo loo doortay MW dalka Kenya

NAIROBI, Kenya -  Guddiga Doorashooyinka dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada Kenya, taasoo ka dhigan in markii shanaad uu daadku qaaday musharrixii Isbahaysiga Azimio La Umoja ee Raila Odinga.

William Ruto oo hadda hayay xilka Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa dhiggiisa Raila Odinga kaga adkaaay 50.49% codadkii la dhiibtay, taasoo ka dhigan in si dirqi ah looga badbaaday in loo baahdo u gudbidda wareeg labaad si loo kala baxo.

Ku dhawaaqista natiijada doorashada ayaa durba abuurtay xiisad siyaasadeed kadib markii guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada iyo saddex xubnood oo kale diideen natiijada, gacan qaad ayaana ka dhacay xarunta natiijada looga dhawaaqay.

Wakiilka ka socday Raila Odinga ayaa guddiga doorashooyinka  ku eedeeyay inay sameeyeen  "wax isdabamarin" iyo "maamul xumo", taasoo sababtay in Odinga uusan xaadirin xarunta looga dhawaaqay natiijada kama danbeysta ah ee doorashada.

Waa markii ugu horeysay ee Ruto oo 55 jir ah uu isu soo taago xilka madaxtinimada, waxa uu soo ahaa madaxweyne ku xigeenka Madaxweyne Uhuru Kenyatta muddo 10 sano ah, hayeeshee isku dhacooda ayaa sababay in Uhuru taageero Raila Odinga.

Raila Odinga oo madaxa la sii galaya da’aadda 78-aad, wuxuu hore u soo noqaday, Ra’iisul Wasaaraha Kenya intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, wuxuu xilli ka mid ahaa Baarlamaanka waana ganacsade ku tartamayay ODM oo hoos yimaada Isbahaysiga Azimio La Umoja.

Odinga oo loogu yeero hogaamiyaha mucaaradka Kenya, waa markii shanaad ee looga adkaado doorashada Madaxtinnimada, wuxuu hore u soo qasaaray sanadaha kala ah 1997, 2007, 2013 iyo 2017, mana cadda sida uu uga fal-celin doono natiijadaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.