KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ku xigeenka Madaxa Bangiga Adduunka Laantiisa Qaaradda Africa Makhtar Diop ayaa sheegay inay diyaariyeen Qorshe dhameystiran oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ku nool Wadamada ay Abaauruhu ku dhufteen oo Soomaaliya ugu horeyso.
Makhtar Diop waxaa uu xusay in Baanka Adduunku uu hadda wado Dadaalo uu ku doonayo inuu ku caawiyo dadka ay saameeyeenAabaarihii ku dhuftay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia.
Mar uu ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya waxaa uu sheegay inay ugu talo galeen lacag dhan 9, million oo Dollar taasoo ay ka faa’ideysan doonaan illaa iyo (97,000 Sagaashan iyo Todobo kun) oo Ruux oo Soomaali ah kuwaasoo u baahan in la caawiyo.
Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada Africa ee sida daran ay u saameeyeen Abaaro iyo Macluul ayaa hadda waxaa ka curtay Roobabka Gu’a, waxaana dad badan oo Soomaaliyeed ay hadda ku mashquulsan yihiin Tabcashada Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha.
Keydmedia.net - Xafiiska, NAIROBI
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.