Wufuudda dalalka dariska oo ku soo qul-qulaya Muqdisho

Doorashada Xasan Sheekh waxay timid xilli Geeska Afrika xasarado ay ka jiraan, oo isbedello waaweyn ka dhaceen afartii sano ee Abiy Axmed xukunka Itoobiya hayay.

Warar Keydmedia Online
Wufuudda dalalka dariska oo ku soo qul-qulaya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Wufuud heer gobol ah oo ka qeyb galeysa caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo qulqulaya Muqdisho, kuwaas oo hor-dhac u ah qaar ka mid ah madaxda dalalka dariska.

Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la filayaa in la qabto, 9-ka bishan oo ku beegan khamiista todobaadkaan, waxaana ka qeyb galaya oo lagu casuumay inta badan madaxda dalalka Geeska Afrika iyo danjirayaal caalami ah.

Qorshuhu wuxuu ahaa in 01/06/2022, uu dhaco caana-shubka Xasan Sheekh, hayeeshee, cudur-daar ka yimid qaar ka mid ah hoggaanka madaxda la casuumay oo uu ku jiro Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gadaal loogu dhigay 9 maalin.

Qaban qaabada xafladda Caleema-saarka, ayaa ka socota Caasimadda, waxaana sidoo kale ka qeyb gali doona, madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wakiillada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan iyo marti sharaf kale oo ajaanib iyo Soomaali leh.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la xaqiijiyay in ay ka soo qeyb gali doonaan caleema-saarka  MW Xasan Sheekh.

Booqashada Muqdisho ee qaar ka mid ah madaxda Afrika, gaar ahaan kuwa geeska, ayaa la rumeysan yahay in ay iba-fur u noqon doonto, wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaad diblumaasiyadeed oo muddo aloosnaa, kuwaas oo ay abuureen kooxda xilka banneysay.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15/05/2022, ku guuleystay, xilka ugu sarreeya dalka, ayaa hal ku dhig siyaasadeed ka dhigtay, “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxaana indhaha lagu hayaa sida uu xalliyo khilaafaadka diblumaasiyadeed ee taagnaa shan sano.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.