KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
"Dhibaatooyinka Ciidamda Qaranka ey ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed waa mid aan loo dulqaadan karin" Ayuu yiri Nabadoon Xaad.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa Dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ey Arintaas wax ka qabato.
"Ciidamda waxaa laga sugaayay in ey sugaan Amaanka Magaalada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed!" Ayuu yiri Xaad.
Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay wax ka qabtaan tacadiyada ciidanka Dowladda ay ugeesanayaan shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka nabadoonkaan Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dhibaatooyin ay kala kulamaan dadka rayidka ah ciidamada dowlada.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.