KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirka wada-tashiga ee galay maalintiisii labaad ayaa maanta la guda galay ka doodista qodobadii la isku hayay waxaana natiijada shirka laga muujiyay rajo fiican.
MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii labaad ee shirka Wada-tashiga qaranka ayaa dhawaan soo gabagaboobay, waxuuna kulankaan ka duwanaa midkii ka horreeyay oo hordhac ahaa, kaas oo aan inta badan la guda galin ka doodidda arrimaha taagan.
Xaafiiska Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, ayaa Shirka maanta ka muujiyay rajo fiican, waxaana si weyn loo guda galay ka doodidda qodobadii ka soo laabtay heshiiskii 17-kii September.
“Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Afhayeenka Xukuumadda Xi-gaarsiinta Federaalka, Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa sheegay in shirka maanta uu ahaa mid hormar laga gaaray doodihii la galay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Madaxdu ay xoogga saareen qodabadii maranka xooggan ka jiray.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.