KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidanka ayaa diyaarado lagu geeyay shalay magaaladda Beledweyne, waxaana tallaabadan aad u cambaareeyay Xukuumadda Rooble iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble ayaa qabtay shir ay Wasiiradiisa ka qeybgaleen, oo looga hadlay xaaladda Suuqa Bakaaraha oo maalintii xiran iyo Ciidanka Farmaajo u diray G/Hiiraan.
Gollaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Ciidammada Gorgor iyo Haramcad, ee la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii.
Waxaa lagu sheegay qoraalka Gollaha uu soo saarey in Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada u isticmaalin arrimaha siyaasadda laguna koobo sugidda Amniga Dalka.
Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.
Dhanka kale, Wasiiradda ayaa ka dooday Canshuurta daacish kusoo rogtay ganacsatada Suuqa Bakaaraha, oo maalintii 2aad xiran kadib markii lacago aad u badan lagu soo rogay.
Waxaa la faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo tallaabooiynka, oo dhibaatada wax looga qaban karo. Lama oga inay Wasaaradda wax qaban doonto, maadaama horey arintan u taagnayd, oo sanado badan Al-Shabaab si caadi ah u qaado canshuurta Caasimadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.