Xaalada Amaanka Muqdisho oo Su’aalo la iska waydiiyay // Amaanka Martida Dowlada

Daahir Jibriil, Muqdisho Markii la fiiriyo weerarkii lagu dhintay ee todobaadkii hore ka dhacaday Muqdisho ee lala beegsaday siyaasiyadda Swedan, ayay u kuur-galayaashu sheegayaan in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u baahan tahay in ay owddo daldaloollada ammaan.
Warar Keydmedia Online

Dowladda waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso martideeda kuwaa oo taageeradoodu ahamiyadda ballaaran u leedahay dib u dhiska dalka.

Bishii August 21-keedii, ayay rag hubeeysan waxay dhaawaceen siyaasiyadda Swedhis-ka ah Ann-Margarethe Livh, taas oo sida la sheegayo ku soo noqonaysay hoteelkeeda iyada oo gaadhi wadata kadib markii ay khudbad ku saabsan dimuquraadiyada ay ka jeedisay Jamacada Soomaaliya ee Muqdisho.

Laba nin oo la socday, oo mid uu ahaa nin Soomaali ah oo dhalashada Sweden-ka haysta oo la rumaysan yahay in uu tarjumaheeda ahaa iyo nin Soomaali ah oo booliis ah oo waardiyaynayay ayaa weerarkaas lagu dilay.

Gaadhiga ayaa lagu weeraray bannaanka jaamacadda, oo u dhaw is goyska KM 4. Jaamacada ayaa ka dambeeysa xafiiska Qaybta Danbi Baadhsita sidoo kalana aan ka fogayn safaaaradda Turkiga, taas oo dagaal yahaniinta al-Shabaab ay weerareen 27-kii July.

Dablaydii ayaa baxsatay koox masuuliayada arintan sheegatayna ma jirto.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhalleecaysay weerarkasheegtayna in ay baadhitaan bilaabayso.

"Waxaan si aad ah u dhalleecaynayaa tacsina u dirayaa qoysaskii siyaasiyiinta Swedenka ah ee Muqdisho shalay lagu weeraray," ayuu Rasiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ka yiri shirkii golaha wasiirada ee 22-kii August. "Waxaan ku boorinayaa ciidamada ammaanka in ay ilaaliyaan saaxiibadaanada iyo jaalayaashaanada Soomaaliya soo booqanaya kana shaqaynaya."

Weerarkaas badheedhka ah, ayaa si kastaba ha ahaatee, soo bandhigay daldaloollada difaaca amaanka ee caasimada, ayuu Cabdikariim Daauud Nuur oo culuumta siyaasada ka dhiga Jaamacada Muqdisho u sheegay Sabahi.

Booliiska Soomaaliya iyo ciidanka Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayay ahayd in ay weerarkaas fashiliyaan, ayuu yidhi.

"Ma haboonayn in dadka shacabku uu ka faaiidaysanayo hoteel inta la geeyo sidaas looga tago. Taasi waxay ku tusinaysaa baahida ah in AMISOM looga tiirsado ilaalinta diblomaasiyiinta," ayuu yiri Nuur, oo sidoo kale ah kornayl horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Sida uu isagu qabo, ammaan la

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.