KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Masuulyiinta Isbitaalka degmada Baardheere oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in xaalada dadkii shalay ku waxyeeloobay duqeyntii ay Kenya ka geysatay xaafado ay dad danyar ah ku noolaayeen ee Baardheere ey aad u liidato iyagoo xusay in Isbitaalka Baardheere aysan yaalin daawooyin iyo adeegyo caafimaad oo dadkaasi lagu daweeyo.
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa caadeystay inay gumaadaan shacabka ku nool deegaano aysan colaado ka jirin lamana garanayo sababta.
Saraargaal lagu magacaabo Warfaa Sheekh Aadan oo BBC-da qeybta Soomaaliga la hadlay wuxuu sheegay in dadkii shalay ay Kenya xasuuqday ay ka tirsanaayeen kooxda Shabaab.
Ugu dambeyntii umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto waxaa laga codsanayaa in dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ka soo gaartay duqeynta Kenya ay caawiyaan.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.