Xaalada Janaa-cabdalle oo Deggan iyo Ciidamada oo Isku Diyaarinaya La Wareegista Kismaayo

Kismaayo (KON)- Xaalada deeganka Janaa-cabdalle ee gobbolka Jubbada Hoose oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni iyo AMISOM ee Kismaayo ayaa saaka lagu soo waramayaa inay deggantahay, ayadoo Ciidamadu ay isku diyaariyeen la wareegidda magaalada Muhiimka ah ee Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Deegaanka Janaa-cabdalle oo loo yaqaano (Birta Dheer) waa deegaanka muhiim u ah cidii heysata Kismaayo ama dooneysa inay qabsato magaalada waayoo waxaa uu ku yaalaa wado halbowle ah oo isku xira Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka intooda kale.

Janaa-cabdalle kooxda Shabaab waxaa ay ka arriminayeen ku dhowaad 4 sano, shalay ayaana laga fara maroojiyay kadib dagaallo xoogan oo ka dhacayay hareeraha deegaanka.

Ciidamada huwnata ah oo wata Taangiyo, noocyada kala duwan ee baabuurta dagaalka ayaa ka gudbay deegaanka Janaa-cabdalle iyagoo fariisimo ka sameystey meel ka baxsan deegaanka, waxaana ay Ciidamadu ku wajahanyihiin magaalada.

Xaalada wali ma dagan, waxaa muuqda jawi colaadeed, dadka qaar Ciidamada huwanta ah ee soo socda cabsi ballaaran ayay ka qabaan.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.