KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Magaalada waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay ragg Nabadoono ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada iyo guud ahaan Jubbooyinka.
Nabadoonada la dilay waxaa kamid ah Nabadoon Jeele Joqooti oo kamid ahaa Nabdoona Beesha Cowlyahan iyo Nabadoon Sheekh Maxamed Garjan oo kamid ahaa Nabadoonada beesha Cowrmale iyo labo nabadoon oo aan wali magacyadooda na soo gaarin.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Kenya wali gudaha uma aysan galin magaalada.
Ka bixitaanka Kooxda Shabaab ee magaalada Kismaayo iyo soo gelid la’aanta Ciidamada huwanta ayaa waxa ay keentay in magaalada ay ka bilowdaan Fowdo iyo dhac loo gaysanayo Dadka Rayidka ah ee halkaa ku sugan.
Lagama warqabo cidda ka dambeesa Dilalkaasi.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.