Xaaladda Abaarta Soomaaliya iyo Qaylo-dhaanta Hay’adaha

Malaayiin dollar ayay Madaxda dowladda ku bixiyaan safaro aan micno lahayn, xafladdo baashaal ah iyo mooshinno, taasoo shacab badan noloshooda lagu badbaadin karo.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Abaarta Soomaaliya iyo Qaylo-dhaanta Hay’adaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah oo looga hortago macluusha loogana jawaabo abaarta Soomaaliya marka la gaaro bisha December.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee sii kordhaya ay sii kordhinayaan darnaanta baahiyaha dalkana u horseedaya qarka u saaran macaluul.

Ku dhawaad ​​50% dadweynaha - 7.7 milyan oo qof - waxay u baahan yihiin nooc ka mid ah gargaarka bini'aadantinimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah ay abaartu saamaysay," OCHA ayaa ku tiri jawaabteedii u dambaysay ee abaarta iyo qorshaheeda ka hortagga macluusha kaas oo daboolaya May.

ilaa December. “Abaartu waxay baabi’isay nolosha dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan Haweenka, Carruurta iyo kuwa laga tirada badan yahay. Nafaqo-xumada ba'an ee carruurta ayaa sii kordheysa."

Afar roobab oo is xigxigay ayaan u di'in sidii la rabey, iyadoo taasi ay sababay abaartii ugu darneyd ee dalka soo marta muddo 40 sano ah, waxaana malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin abaartii ugu xumayd, taasoo soo gaartay heerka macluusha.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xilli-roobaadka March-May 2022 uusan di'in, ayna u badan tahay inuu noqdo kii ugu qallalnaa ee la diiwaan geliyo, waxaana xaaladda jirta kor u kac ku sameysay qiimaha cuntada.

Sida laga soo xigtay OCHA, 1.5 milyan oo Carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay 5 jir iyo in ka badan 250,000 oo Haween uur leh iyo kuwo nuujinaya, ayaa hadda u baahan nafaqeyn.

C/raxmaan C/shakuur oo Xasan Sheekh u magacaabey ergayga arrimaha abaaraha, ayaa sheegay in Madaxda qaranka aysan qorshaha ku darin sidii wax looga qaban lahaa abaarta soo noq-noqotay, ee Madaxweyna walba marka uu yimaado la kowsado.

Malaayiin dollar ayay Madaxda dowladda ku bixiyaan safaro aan micno lahayn, xafladdo baashaal ah iyo mooshinno, taasoo shacab badan noloshooda lagu badbaadin karo.

Shacabka Soomaaliya xili kasta waxay u dhaxeeyana labo dhibaato, oo kala ah abaar iyo fatahaad webiyada sameeyaan, xaalad qofka Muwaadinka marna biyo la'aan u dhimanaya marna biyo fatahaado ah ay dilayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.