KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaska Cudurka COVID-19 24 saac ee la soo dhaafay.
MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee 24 saac ee u dambeeyay laga heley ayaa maraysa 266 kiis, iyadoo 1,807 la baaray, gobolka Banaadir ayaa ah gobolka ugu badan ee kiisaska cudurka laga heley taas oo ah 141 kiis.
Puntland ayaa laga heley 88 kiis, halka 25 kiis laga diiwaan geliyay Soomaaliland, iyadoo 8 qof xanuunka u dhinteen. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa maraysa 7,257 kiis oo ay ku jiraan 3,808 oo cudurka ka bogsooday iyo 239 oo u dhimatay cudurka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.