KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xabbad-joogin labo saac ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaqan gasahy magaalada, labada ciidan ayaana lagu amray in ay dhufeysyadooda ku sugnaadaan.
GURICEEL, Soomaliya – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel, ayaa sheegaya in ay istaagtay xabad goosgoos ah iyo duqeymo saaka xilli hore ka billowday degmada, kadib wada-hadal qadka taleefanka ah oo dhexmaray dhinacyada ku dagaallamaya magaalada.
Sida ay sheegayaan dad goobjoogayal ah, ciidamada dowladda ayaa saaka si daran u duqeeyay halka loo yaqaan Jaamacadda oo ay ku sugan yihiin inta badan koox diimeedka taabacsan Sheekh Shaakir, isla-markaana ay yaallaan ku dhawaad 40 askari oo ku dhaawacmay dagaalkii shalay.
Duqeyntu waxa ay si xoogan u siyaadisay khasaaraha, taas oo khasab ka dhigtay in hoggaanka Ciidanka ASWJ, codsadaan in loo furo waddo ay uga baxaan magaalada.
Xogo muhiim ah, ayaa tibaaxaya in Shaakir loo qabtay saacado kooban inuu uga baxo Guriceel, isla-markaana ciidamada dhaacawa ah ee ku jira halka loo yaqaan Jaamacadda, uu ku wareejiyo Dowladda, si loola tacaalo caafimaadkooda.
Xabbad-joogin labo saac ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaqan gasahy magaalada, labada ciidan ayaana lagu amray in ay dhufeysyadooda ku sugnaadaan.
Duqeynta saaka, waxa ay sababtay inuu albaabada la isugu laabo isbitaalka ugu weyn magaalada oo kaabiga ku haya xerada la duqeeyay saakay, kadib markii ay ku daateen madaafiic culus..
Dhanka kale, waxaa la xaqiijiyay geerida Allaha u naxariistee, taliyihii garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabad-sugidda, Cabdiqani Maxamed Diiriye, oo saaka ku dhintay rasaas goos goos ah oo labada dhinac is weydaarsadeen.
Ciidamo dheeraad ah oo laga qaaday Caasimadda ayaa saaka xill hore ka degay Dhuusamareeb, warar aan la xaqiijin, ayaana sheegay in ciidankaas uu hor kacayay Taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole.
Waxaa Dhusamareeb iyo Muqdisho ka billowday dadaallo lagu doonayo in lagu hakiyo dagaalka, waxaana dadaalladaas hor kacaya odayaal iyo siyaasiyiin ay hoggaaminayaan Prfo Shirwac iyo Jenaraal Cabdi Qeybdiid.
Wararka ku soo kordha xaaladaha Guriceel kala soco bogga wararka Keydmedia.net.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.