Xaflad lagu taageerayo Xasan Cali Khayre oo Muqdisho lagu qabtay

Xafladdan ay soo qaban qaabiyeen dhallinyarada kasoo jeedda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo lagu taageerayo musharax madaxweyne Ra'iisul wasaarihii hore ee soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Warar Keydmedia Online
Xaflad lagu taageerayo Xasan Cali Khayre oo Muqdisho lagu qabtay

MUQDISHO - Soomaaliya: Xaflad lagu taageerayo musharax madaxweyne Soomaaliya 2021 Ra'iisulwasaarihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxay ka dhacday magaalada muqdisho, xafladda waxaa soo agaasimay dhallinyaro kasoo jeedda dowlad goboleedka Galmudug ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana goobta hadallo dhiirri-gelin u badnaa kasoo jeediyay dhallinyaradii soo agaasintay iyo marti sharaf kale oo goobta ka hadlay.

Xasan Cali Khayre ayaa wada olole uu ku doonayo in uu ku noqdo madaxweynaha JFS kaddib doorashada nagu soo foolka leh, waxaana ilaa iyo hadda uu booqasho ku tagay waddamada Jabuuti, Kenya iyo Turkey halkaasoo loogu sameeyay kulamo lagu dhiirri-gelinayo musharaxa, looguna hambalyeenayo isku soo taagidda musharraxnimadiisa, Xasan Khayre intii uu ahaa Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya ma jirin shacbiyad badan ee uu abuurtay marka laga reebo dhallinyaro uu u ballan qaaday in uu u dhisay garoon lagu ciyaaro kubad, kuwaasoo uu doonayay markii horeba in ay qeyb ka noqoto Ololaha musharaxnimadiisa.

Xasan Kheyre oo xafiiskii uu ku shaqeenayay laga eryay bartamihii sanadkan ayaa hadda wada dhaqdhaqaaqyo iyo xafladeyn ku aaddan musharaxnimadiisa u muuqata in aysan meel weyn gaari doonin.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.