Xaguu marayaa Shirweynaha Qaran ee Geedi Socodka Siyaasada Dalka?

Muqdisho (KON) - Shirweynaha Qaran ee geedi socodka siyaasadda iyo Hiigsiga 2016 ka oo maanta galay maalintiisa Seddexaad ayaa dhinacyada ka qeybgalaya waxa ay sii ka ambaqaadayaan ka doodidda mustaqbalka siyaasada dalka.
Warar Keydmedia Online

Shirkan oo maalintii Sadexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay ergadu  ka doodayeen qodobo gaar ah oo la xiriira dib u eegista qodobo ka mid ah Dastuurka dalka.

Maanta oo ah maalintii Sadexaadna waxaa si gaar ah u doodaya gudiyadii Shanta ahaa ee la xulay kuwaas oo la filayo iney islamaanta soo gudbiyaan talooyin iyo aaraa’ ay soo ururiyeen,  waxeyna u gudbindoonaan guddi qaabilsan uruurinta talooyinka.

Waxyaabaha xoogga lagu saaridoono waxaa ka mid ah guddiga doorashooyinka madaxa banaan,  qaabka federaalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka baahinta siyaasada iyo in shacabka laga qeybgeliyo,  sidii cadaalada loo horumarin lahaa,  maantana gudiyadu qodobadaas ayeey ka doodayaan .

Gunaanadka shirka ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo talooyinka ka soo baxa Shirka.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.