Xal laga gareey khilaafkii doorashadda Somaliland

Saddex Xisbi ee kala ah UCID, KULMIYE iyo WADDANI ayaa ogolaaday jadwalka cusub ee doorashadda, kadib markii kulan maalmo qaatey ay la yeesheen gudiga doorashooyinka Maamulka Somaliland.

Warar Keydmedia Online

Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland iyo Gudiga doorashooyinka ayaa isku raacay in mudo 9 bilood gudahooda lagu qabto doorashada Gollayaasha degaanka iyo Baarlamaanka, taasoo mudo sanado ah uu ka taagnaa khilaaf xoogan.

Dhowr sano ayaa dib loo dhigayay doorashooyinka, iyadoo loo sababaynaya aafooyin iyo xaalado ka jiray Somaliland, laakiin markii dambe cadaadis uu Maamulkan kala kulmay deeqbiyaasha Caalamka ee taageera ayaa soo dedejiyay heshiiska cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.