KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dhuusamareeb ayaa maalmaha soo socda uu ka furmi doonaa shir u dhaxeeya Madaxda sare ee Dowladda iyo dowlad Goboleedyada kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Dhuusamareeb gaarey wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si uu uga qeybgalo Shirka arrimaha doorashada ee halkaasi dhawaan ka furmaya.
Safarka Xaliimo Yareey ayaa yimid kadib markii Kheyre tagey Dhuusamareeb, sidoo kalena la filayo in Farmaajo uu gaaro maalin berri ah, waxaana lagu wadaa inay shir la qaataan Madaxda Maamullada oo mudo todobaad ah ku shiraya magaaladda.
Gudiga Doorashooyinka ayaa lagu eedeeyeen inay Farmaajo iyo maamulkiisa la doonayo muddo kordhin, kadib markii ay Xaliimo Yareey dalbatay in muddo 13 Bilood ah ay doorasho ku qaban karaan guddigooda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.