KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wax ka badan 24 saac, kadib xasuuqii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoome Madaale magacaabeen guddiyo is garab ordaya.
MUQDISHO, Soomaaliya – 24 saac kadib ayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) magacaabeen guddiyo is barbar yaacaya oo la sheegay in ay ka shaqeeyaan hawlaha gurmadka ee qaraxii shalay ka dhacay KM5.
War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:
1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn
Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:
1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka
Warka ka soo baxay Guddoonka Gobolka ayaa isna lagu yiri.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Deg-dega ee heer Gobol, kuwaasi oo ka shaqeyn doonna u gurmashada shacabkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii Argagixiso ee Khawaarijta la beegsadeen shacabka Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.