Xasan dhiig cusub ma ku shubi karaa dagaalka Al-Shabaab?

Sida ay sanadkii hore qortay majaladda The New York Times, Mareykanku wuxuu sheegay, in halkii kunteennar ee caadiga ah ee ka soo degaya dekadda Muqdisho Al-Shabaab ka qaaddo $90 halka midka weyn ay ka qaaddo $150 oo baad ah, taasoo soo xareysa ugu yaraan $120 milyan sanadkii, qorshaha ku dhiirrashada u baahan waa joojinta lacagtaas.

Warar Keydmedia Online
Xasan dhiig cusub ma ku shubi karaa dagaalka Al-Shabaab?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhawaad 15 sano Al-Shabaab waxa ay ahayd mushkilad amni oo dalka Soomaaliya, qaar ka mid ah waddamada dariska ah iyo guud ahaan Geeska Afrika ka aloosan. Daraasaduhu waxa ay muujinayaan in ay maamul ahaan, sirdoon ahaan iyo Iclaam ahaanba sii bullaalayaan, inkastoo deggaanno badan laga fara-maroojiyay.

Sida ay sheegayaan khuburrada amniga, in Al-Shabaab ku raaxeysato howl-galladeeda Soomaaliya, waxaa sabab u ah siyaasadda ma dhaleyska ah ee aan is-baddelka lahayn ee  Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Dowladaha dariska ah ku wajahaan dagaalka ka dhanka ah Kooxdaan xirrirka la leh Ururka Jahaad-doonka ah ee Al-Qaacida.

Maadaama Madaxweyne Xaan Sheekh uu goobjoog ahaa tan iyo soo if-bixii Al-Shabaab, si weynna uu uga dharagsan yahay howl-galladii ka dhanka ahaa tan iyo xilligaas, macquul ma tahay inuu muddo xileedkiisaan curdunka ah, dhiig cusub ku shubo siyaasadda Dowldda Soomaaliya ee ku aaddan himilada ah ka adkaanshaha Al-Shabaab?.

Madaxwaynaha oo khudbo ku saabsan istaraatiijiyadda mustaqbalka Soomaaliya shalay ka jeediyay dood uu soo qaban qaaban-qaabiyay mahcadka SETA ee dalka Turkiga, ayaa xusay in DFS aysan waqtigaan diyaar u ahayn wada-hadal lala galo Al-Shabaab, wuxuuna ku dhawaaqay in dagaalka Military lagu kordhin doono mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Fikirka iyo Dhaqaaluhu waa udub dhexaadka jiritaanka Al-Shabaab, Kooxdu waxa ay dhallinyarada ka iibisaa fikraddeeda ka hor inta aysan ka dhaadhicin in ay ku biiraan, halka dhaqaaluhu yahay shidaalka u sii oggolaanaya in ay sii bullaalaan awood ahaan, jiritaankoduna sii dheeraado, waana furimmo muhiim ah in xilligaas lagu furo.

DHAQAALAHA - Tan iyo markii ay hubka qaateen Al-Shabaab waxa ay dhaqaalo xooggan ka aruurinayeen shacabka, ilaa ay gaareen in ay canshuuraan dekadaha dalka, wali lama kulmin siyaasad ku-dhac iyo dhiirrannaan leh oo ka dhan ah dhaqaale arruursigooda, in tubooyinka ay dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin laga xirayo waa qorshe iyo dhiig cusub.

Sida ay sanadkii hore qortay majaladda The New York Times, Mareykanku wuxuu sheegay, in halkii kunteennar ee caadiga ah ee ka soo degaya dekadda Muqdisho Al-Shabaab ka qaaddo $90 halka midka weyn ay ka qaaddo $150 oo baad ah, taasoo soo xareysa ugu yaraan $120 milyan sanadkii, qorshaha ku dhiirrashada u baahan waa joojinta lacagtaas.

FIKIRKA – Kooxda Al-Shabaab lama aysan kulmin loollan fikir diimeed oo barbar socda midka ay gudbinayaan, culimadu malahan ku-dhac ay runta ku wajahaan, warbaahintuna waqti ma galiso cabsi jirta awgeed, yeelkeede, hadalka MW Xasan ee ah dagaal fikradeed, wuxu wiiqi karaa awoodda kooxda, wuxuuna qeyb ka qaadan karaa cirib-tirkooda.

Shantii sano ee la soo dhaafay, awoodda ciidan ee Al-Shabaab lama waxyeelleyn, mana jirin howl-gal weyn oo lagu qaaday, dhaqaale ahaanna si weyn ay u kordheen, maadaama loo oggollaaday in ay irid kasta canshuur ka qaadaan, maamulka cusub ee uu hoggaanka u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa Mandate-kiisa ugu muhiimsan anmiga.

MW Xasan shalay wuxuu booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed, dhawaan wuxuu Eritrea u tagi doonaa inuu soo celiyo 5000 oo askari oo Farmajoo ku wareejiyay galalkooda, kuwaas oo dhowr sano ku maqan Casmara.

Sidoo kale wuxuu socdaal ku tagi doonaa Washington, dalka Mareykanka, iyadoo la filayo in Joe Biden uu dib u soo celin doono ciidamadii uu bishii December 2020, Madaxweynihii hore ee dalkaas, Donald Trump amray in laga saaro Soomaaliya, lana dajiyo dalalka dariska ah, ciidankaas oo gaaray 700 oo askari waxa ay muhiim u ahaayeen dagaalka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.