Xasan oo daadka raacsiiyay wareegtooyinkii Farmaajo

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hore u baabi’yay xeerarka kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la-dagaallanka Musuqmaasuqa, kuwaas oo Farmaajo hore u soo saaray.

Warar Keydmedia Online
Xasan oo daadka raacsiiyay wareegtooyinkii Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi'iyey Xeerarka kala ah Lr.40, Lr.42 iyo Lr.41 kuwaas oo Farmaajo sanadkii 2020-kii ku soo saaray xeer aan sharciga dalka u yaaalla waafaqsaneyn.

xeerarkaan ayaa la meel mariyay muddadii uu Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ahaa Mahdi Maxamed Guuleed, kadib raacdeyntii Xasan Cali Kheyre, Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad ayaa keligiis ansixiyay xilli aan loo soo gudbin Aqalka Sare.

Xilligaas waraaq ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in xeerarku khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka KMG ah uu tilmaamayo, waxaana waraaqda lagu sheegay in Aqalka Sare uusan aqoon saneyn wareegtada Farmaajo.

XEERARKA UU MADAXWEYNE XASAN BURBURIYAY AYAA KALA AH’

  1. Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
  2. Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.
  3. Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, taasoo ka dhigan in xubnihii hore la kala diray.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hore u baabi’yay xeerarka kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la-dagaallanka Musuqmaasuqa, kuwaas oo Farmaajo hore u soo saaray.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale hore Xukuumadda u faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda golayaashaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.