Ma la oran karaa Xasan Sheekh waa Farmaajoobay?

Xasan Sheekh wuxuu Muqdisho ka baxay xilli aan hal askari loo xirin, hal sarkaalna su’aal loo weydiin boqollaalka shacabka ah ee la xasuuqay, xilli aan si rasmi ah loogu dhawaaqin khasaaraha rasmiga ah ee nafeed, maaliyadeed iyo burbur ee ka dhashay weerarka.

Warar Keydmedia Online
Ma la oran karaa Xasan Sheekh waa Farmaajoobay?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa labo cisho kadib xasuuqii ka dhacay Isgoyska Soobbe ka baxay Muqdisho, si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Carabta oo isku heysta khilaaf ka dhashay heshiisyada caadiyeynta Yahuudda oo kala qeybsanaan ka abuuray Carabta dhexdeeda.

Madaxweyne Xasan wuxuu Muqdisho ka baxay xilli ay wali bannaanka yaallaan maydadka qaar ka mid ah muwaadiniintii lagu xasuuqay Soobbe Saddex maalin ka hor, xilli aan wali raq iyo ruux lagu heyn shacab aan waxba galabsan, xilli ku dhawaad dhaawaca 300 oo qof uu daadsan yahay isbitaallada oo aan awood u lahayn in ay dad intaas dhan qaabilaan.

Xasan Sheekh wuxuu Muqdisho ka baxay xilli aysan Dowladdiisu hal ruux oo ka mid ah dadka dhaawacyadoodu daran yihiin u qaadin caafimaad dibadeed, xilli uusan muuqan isku-dibarid gurmad oo shaqsiyaadkii Farmaajo u adeegayay ay igu sawir la dhex taagan yihiin goobaha caafimaadka, xilli aan wax adeeg dowlo ah loo fidin dad dhibku gaaray.

Xasan Sheekh wuxuu Muqdisho ka baxay xilli aan hal askari loo xirin, hal sarkaalna su’aal loo weydiin boqollaalka shacabka ah ee la xasuuqay, xilli aan si rasmi ah loogu dhawaaqin khasaaraha rasmiga ah ee nafeed, maaliyadeed iyo burbur ee ka dhashay weerarka, xilli uusan tagin goobaha caafimaadka ishiisana uusan ku soo qiimeyn xaaladdda.

Sida muuqata Xasan Sheekh waxaa gurmadka dadka wax-yeelladu gaartay uga wakiil ah Cali Yare Cali oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii kadeeday shacaka Gobolka Banaadir shantii sano ee la soo dhaafay, isla-markaana ah kabo-qaadka ugu weyn ee Farmaajo, kaasoo fursad iyo sumcad abuur hadda ka dhex raadinaya dhiigga shacabka ee qubanaya.

Farmaajo waxaa gobolka uga wakiil ahaa Cali Yare, haddii Xasan Sheekh ku qancay in Cali halkiisa sii joogo, isagoo af-lagaaddo aan geed loogu soo ganban goobo fagaare ah ugu geysanaya shacabka Muqdisho gaar ahaan ganacsatada, igu sawirna meel kasta la taagan miyaysan aqristow ka dhigneyn in xasan qaaday jidkii Farmaajo ee is moogeysiiska?.

Haddii aaan ilaa hadda cidna wax laga weydiin masuulidda weerarka, Boolis iyo Nabad-sugidba, haddii isku-dhex-yaac iyo is-garab-orod lagu wajahay gurmadkii, haddii barihii koontaroollada maamulayaan wiilal ka amar qaata Jeneraal Xijaar, haddii wali la warinayo khatar amni, Mdaxaweynihiina iska safray, miyaan la oran karin Xasan waa Farmaajoobay?

Ku dhawaad muddo labo sano ah, ka hor doorashadii 15-kii May, dadka Soomaaliyeed waxa ay ku jireen halgan siyaasadeed oo u jeedkiisu ahaa Is-baddel doon, hadafka halganku ayaa ahaa in nidaamkii faasidka ahaa ee Farmaajo laguna beddelo nidaam shacbaawi ah oo dareen, damqasho iyo diir-nax Dowladnimo  leh, hayeeshee Xasan wali ma godlan.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online Shirka uu Xasan Sheekh u baxay inuu ka qeyb galayo, waxaa ka maqan oo aan xaadiri doonin hoggmiyaasha uu quseeyo oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha Imaaraadka iyo Lubnaan, Amiirka Kuwait, Boqorka Baxrayn, Suldaanka Cumaan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.