KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Inkastoo la rumeysan yahay in ay si gaar ah isku arki doonaan Xasan iyo Muuse haddana KON ayaa fahansan in dhinacyadu ku kulmi doonaan madasha berri oo Khamiis ah lagu mehrin doono gabar uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
MUQDISHO, Soomaaliya – Sada ay warinayaan ilo loo qaateen ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku kulmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay gaaray Jabuuti halkaasoo uu kaga qeyb galay soo af-meeridda shirkii Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage oo sanadkaan looga hadlayay arrimaha is-beddelka cimilada iyo colaadaha gobolka oo Soomaaliya saameyn ku leh.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa maanta gaaray Jabuuti, halkaas oo la filayo in ay ku kulmaan labada masuul, taaso oo noqon doonta arrin xiiso gaara u leh siyaadda Soomaaliya ama is-diidooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Inkastoo la rumeysan yahay in ay si gaar ah isku arki doonaan Xasan iyo Muuse haddana KON ayaa fahansan in dhinacyadu ku kulmi doonaan madasha berri oo Khamiis ah lagu mehrin doono gabar uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Billowgii bishii hore ayay KON baahisay xogta la xiriirta arooskan oo aad loo qaban qaabiyay kaas oo dhowr jeer dib u dhacay, waxaana gabadha Madaxweynaha Jabuuti guursanaya taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (JOON).
Kulanka Xasan iyo Muuse ayaa dadka qaar sheegayaan inuu fure u noqon doono in wada-hadalladii labada dhinac ee Farmaajo hakadka galiyay dib u billwdaan, lixdii sano ee la soo dhaafay ma jirin wax wada-hadallo ah oo dhex maray Muqdisho iyo Hargeysa.
Maalin ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inuu guda gali doono howlaha ku aaddan dib u soo celinta wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka gooni isku taagga ah ee Soomaaliland.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.