Xasan Sheekh oo ballan-qaad u sameeyay saaxiibadiis

Sida la filayo, xubno ka tirsanaa Golaha Midowga Musharrixiinta, ayaa ka soo muuqan doona Xukuumadda cusub, halka intooda badan ay la taliyayaal u noqon doonaan Madaxweynaha.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo ballan-qaad u sameeyay saaxiibadiis

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqda inuu ka dhabeynayo ballan ay hore u wada-galeen, Xubnaha Golaha Midowga Musharrixinta, ballantaas oo ahayd in shaqsiga Madaxweyne noqda uusan kaligiis hoggaanka dalka la amban ee talada dhexda dhigo.

Musharrixiintii Madaxweynaha ee ku mideysnaa, Golahaas, waxa ay rumeysan yihiin in iyagu masuul ka ahaayeen in dalka ay doorasho ka qabsoonto, oo la’aantood uusan Farmaajo kusiga ka deggeen, waxayna si mideysan iyo si kali-kali ahba ugu faaneen in halgankoodii dheeraa uu mira dhalay dadaal badan kadib.

Madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh, oo ka mid ahaa labada siyaasi ee ugu mabda’ adag Golahaas, ayaa labo cisho kadib doorashadiisa, isugu yeeray xubnaha Midowga, si uu uga mahad celiyo doorkii ay ku lahaayeen inuu waddanka mar labaad Madaxweyne ka noqdo, maadaama codadka uu Madaxweynaha ku noqday iyagu keeneen.

Sida ay KEYDMEDIA ONLINE, u sheegeen ilo kulanka aad ugu dhow, waxaa lagu heshiiyay in ballamihii hore la xoojiyo, si wadajir ahna loo wada shaqeeyo, taladu dhex-taal noqoto oo hoggaanku u dhag raariciyo talada siyaasiyiinta, si looga baaqsado kala aragti duwanaan soo deg-degta, taasoo caqabad weyn ku noqon karta nidaamka cusub.

Sida la filayo, xubno ka tirsanaa Golaha Midowga Musharrixiinta, ayaa ka soo muuqan doona Xukuumadda cusub, halka intooda badan ay la taliyayaal u noqon doonaan Madaxweynaha, wuxuuna Xasan Sheekh, kulanka xalay si aan gambad lahayn u ballan qaaday in maamulkiisu si gaar ah u sharfi doono siyaasiyiintaan.

Dhanka kale, Madaxweynuhu, wuxuu kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaasoo lagu gorfeeyay in si is-oggol ah lagu shaqeeyo, lana soo laabo kala aragti duwanaantii dhex taallay Dowladda Dhexe iyo qar ka mid ah Maamul Gobolleedyada kuwaas oo in muddo ah tabasho qabay.

Ugu danbeyn billowga isbuuca soo socda, Xasan wuxuu la wareegi doonaa Madaxtooyada, waxaana si weyn looga dhur-sugayaa tallaabooyinka 1-aad ee uu qaadi doono, gaar ahaan howlaha shacabku sugayaan in si degdeg ah, wax looga qabto ee dhallinyarada ku maqan Eritrea kiiska Ikraan Tahliin iyo kursiga Hop086 ugu horreeyaan.

KEYDMEDIA ONLINE           

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.