Xasan Sheekh oo dhabarka jebiyay Al-Shabaab

Dhowr jeer ayay Al-Shabaab isku dayday inay disho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo dhabarka jebiyay Al-Shabaab

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August ku dhawaaqay dagaal aan waxba la isku-harin oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wuxuu ahaa go'aan yimid kadib markii Al-Shabaab weerar 30 saac qaatey ku beegsatay Hayat hotel 19kii August, kaasoo lagu xasuuqay 21 qof oo shacab ahaa.

Dagaalka wuxuu ka bilowday gobolka Hiiraan oo dowladda garab ka heshay dadka degaanka oo hubka u qaatey inay iska dulqaadaan dhibaatada Al-Shabaab.

Kooxda Macwisley ayaa baal dahab ah ka gashay halganka dib o xoreynta dalka, iyadoo u dhigtay Al-Shabaab cashar dadka Soomaaliyeed ka barteen in lala dagaalami karo kooxda.

Qorshaha militeri ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid miradhalayo, marka la eego inta goobood ee lagala wareegay Al-Shabaab iyo sida Dagaalka uu u helay taageero shacab.

Dowladda ayaa sheegtay inay la wareegtay ku dhawaad 100 degaanka (ilaa 2000KM) dhul gaaraya, waxayna dishay in ka badan 1,000 dagaalyahan, oo ka dhigan dharbaaxo kulul oo ku dhacday Al-Shabaab, oo 15 sano loo taag waysanaa.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.