Xasan Sheekh oo gaarey Qatar

Waa booqashadii ugu horeysay oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Qatar, tan iyo doorashadiisii May 2022.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo gaarey Qatar

DOHA, Qatar - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta gaarey dalka Qatar, isagoo ka yimid Mareykanka oo uga soo qeybgalay Shirkii Biden iyo hogaamiyeyaasha Africa, oo dhacay Dec 13-15.

Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa kusoo dhaweeyay Madaxtooyadda, iyadoo Madaxweynaha u tagey Doha ka qeybgalka xeritaanka ciyaaraha Koobka Adduunka 2022.

Madax kale oo uu kamid yahay Madaxweynaha Kenya Ruto ayaa ku sugan Doha, oo Caawa ka socota ciyaartii ugu dambeysay Koobka Adduunka oo dhaxeyso Argentina iyo France.

Waa booqashadii ugu horeysay oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Qatar, tan iyo doorashadiisii May 2022. Doha ayaa saameyn ku lahayd Soomaaliya xiligii Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.