Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah ula wareegaya xilka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu si rasmi ah xilka ula wareego, kaddib guushii uu ku hantiyay xilka Madaxweynaha May 15, 2022.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah ula wareegaya xilka

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta banneynaya Madaxtooyada, taasoo waddada u xaareysa in Madaxweynaha dooran Xasan Sheekh Maxamuud, Siddeed maalin kadib doorashadiisa, si buuxda ula wareego maamulka xaafiiska ugu sarreeya dalka.

Sida ay KEYDMEDIA ONLINE, hore u bahisay, qorshaha kooxda qaban-qaabineysa xil-wareejinta, ayaa ahaa in Arbacada soo socota xil wareejintu dhacdo, hayeeshee, kulamo dhex maray Madaxweynayaasha is-baddelaya ayaa lagu go’aamiyay in Farmaajo ugu danbeyn maanta banneeyo guriga looga arrimiyo dalka.

Xaflad kooban ayaa la filayaa in ay ka qabsoonto Villa Soomaaliya maanta, halkaas, oo soo dhaweyn si weyn loo agaasimay, loogu sameyn doono Madaxweynaha 10-aad ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana hore u soo noqday Madaxweynaha Siddeedaad ee Waddanka, ka hor Rajiimka hadda xilka banneynaya.

16 Febraayo 2017, Farmaajo, ayaa Xasan, kala wareegay xilka Madaxwenaha, taasoo la micno ah, in ay mar kale, xilka la kala wareegayaan, shan sano, saddex bilood iyo todobo maalin kadib, waana farriin muujineysa in Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad dareemeen in waddanku wali taagan yahay hakii uu joogay shan sano ka hor.

Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu degi doono, agagaarka Hotel Jaziira, gaar ahaan Villa Kaah, oo ku dhawaad bishii la soo dhaafay uu degganaa, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halkaas oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay lagu daad-gureynayay, agabkii Xaafiiska Madaxweynaha.

Xasan iyo Farmaajo, ayaa ugu yaraan Saddex jeer, kulamo kala duwan ku qaatay Madaxtooyada todobadii maalin ee la soo dhaafay, waxayna afartii sano ee na weydaaratay si weyn ugu kala aragti duwanaayeen arriimaha siyaasadeed ee dalka, xilli uu Farmaajo si gaar ah u beegsaday siyaasiyiin uu ku jiray MW Xasan Sheekh.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.